War Deg Deg Ah”Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Iminka La Doortey
January 4, 2019 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Waxaa saaka magaalada Garoowe si rasmi ah ug bilaabmatey Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka waxaana ku kala tartamayeen afar murashax oo kala ah 1 : Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) 2: Cabdijamaal Cismaan Maxamed 3: Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Mudane Cabdixakiin Dhoobo ayaa helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa helay 15-cod Cabdiraxmaan Cali Jibriil ayaa helay 9-cod ,halka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu helay 5-cod,sida ay uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada,Ismaaciil Cabdi Abtiile.