Duufaanta Pabuk Oo Garaaceysa Dalka Thailand
January 4, 2019 - Written by Berbera Today
Bankok(Berberatoday.com)-Duufaanta loogu magac daray Pabuk ayaa Jimcaha maanta ku dhufatay dalka Thailand, iyadoo la filayo in ay reebto saameyn xoogan.
Duufaanta oo roobab iyo dabeylo xoogan wadata, ayay khubarrada saadaasha hawada Thailand ku sheegeen in ay noqon doonto tii ugu xumeyd ee soo marta waddankan dhaca Koonfur bari Asia muddo 30 sana ah.
Meelaha ay hadda garaaceyso ayaa waxaa ka mid ah gobolka koonfureed ee Nakhon Si Thammarat. Waxaa laga cabsi qabaa in ay marto gobollada loo dalxiiska tago ee ku yaalla gacanta Thailand.