Dawlada Ingiriiska Oo Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay U Gudbisay Dacwad Ka Dhana Dawladda Soomaaliya.
January 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hor gaysay Qaraar ka dhan ah dawladda Soomaaliya.
Nuxurka qaraarka ayaa ah in la taageero Nicholas Haysom oo Soomaaliya eriday iyo guud ahaan shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ka qabtaan Soomaaliya.
Warbixintan oo wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AP waxa lagu sheegay in dawladda Shiinuhu golaha ka codsatay in qaraarkan maalmo la soo odoroso waxaanay xubnaha goluhu isku raaceen in dalalku maalmo soo akhristaan.