berberatoday.com
Tartankii Doorashada Puntland Oo Meel Xasaasi Ah Maraya, Tartamayaasha Ilaa Hadda Ugu Cadcad, Saamaynta Musharaxa Reer Sool Iyo Duruufaha Ku Gedaaman Doorashada
January 7, 2019 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Tartanka doorashada Madaxtooyada Maamul-goboleedka Puntland ayaa maraya halkii ugu sarraysay iyada oo Murashaxiinta ku loollamaya mansabka Madaxweynuhu saacadihii la soo dhaafay laban laabeen kaambaynkooda siyaasadeed oo meel xasaasi ah maraya halka Madaxweynaha wakhtigan xilku ka dhammaanayo oo isla Musharax ahi sutida u hayo furin kale oo ku bannaan maadaama uu diiddan yahay in ay maamulkaasi soo cago-dhigtaan Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Ah ee Fadhigeedu yahay Muqdisho oo uu u arko in ay fara-galinayaan doorashada oo ay waliba isaga ka soo hor jeedaan.

Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay oo diiday inay Magaalada Garoowe soo cago dhigato diyaarad sidday xubno wasiirro, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dawladda Muqdisho kuwaasi oo intooda badani ka soo jeedeen Maamul-Goboleedkan Puntland oo diyaaraddii soo qaadi lahayd lagu amray in aanay Garoowe ka soo degi Karin.

Tartanka ayaa meel adag maraya iyada oo doorashadani dhawr arrimood kaga duwan tahay doorashooyinkii hore oo inta badan Musharaxiinta Madaxweynuhu ay kaliya ka soo jeedeen Beesha Majeerteen oo ah aqlabiyadda Beelaha dhistay Maamulkaasi, waxaana doorkan xaaladda waji kale u yeelay Murashax Dr. Cali Siciid Cabdi oo isagu ka soo jeeda Beelaha Gobolka Sool kaasi oo si lama filaan ah saaxadda illaa hadda uga soo muuqda balse wax waliba waxa ay dhinac u dhici doonaa maalinta kaambaynka iyo xuuraanka ugu dambaysay oo ah maanta.

Kaltanka beelaha Puntland ee dhinaca awood qaybsiga ayaa waxa ay iyana saamayn weyn doorkan ku leedahay doorashada iyo sida ay u dhici karto iyada oo beesha Cismaan Maxamuud doonayso in ay doorkan Madaxweynaha hesho waxaana illaa hadda Murashaxiinta beeshaasi ka soo jeeda ugu cad cad Siciid Cabdilaahi Deni iyo Asad Cismaan Cabdullaahi.

Inkasta oo ay adag tahay marka la eego hannaanka awood-qaybsi ee beelaha Puntland haddana Dr. Cali Ciise Cabdi oo Dhulbahante ahi waxa uu doonayaa in uu dhawr arrimood ka faa’iidaysto si uu Murashaxiinta Beelaha Majeerteen uga dhex qaado kursiga balse waa mid u muuqata mid aad u adag sida ay u xaqiiqowdaa. Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu isku hallaynayaa 17 Xildhibaan oo deegaanka Sool ah oo ka mid ah xildhibaanada Wakiilada ee codaynaya. Doorashooyinkii hore Xildhibaanada Gobolka Sool kasoo jeedaa waxa ay ahaayeen kuwa codkooda lagu kala baxo balse sannadkan maadaama murashax Madaxweyne ay wataan intooda badani waxa ay doonayaan in ay meel wada maraan. Arrinka labaad ee  Dr. Cali Ciise Cabdi fursad u arkaa waa Murashaxiinta beelaha Majeerteen oo aad u badan codkooduna baahi karo halka uu sidoo kale taageero weyn ka haysto dawladda Muqdisho fadhida ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.  Dr. Cali Ciise Cabdi Waa guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee Soomaaliya, waxaase dhibaato ka qabsanaysaa in beesha Majeerteen u araagto nin wax ku lahaa aasaaska kooxda Khaatumo oo aan laga jeclayn beelaha Majeerteen.

Dhinaca kale Beesha Cismaan Maxamuud oo isu dhigaysa in ay doorkan u leeyihiin xilka Madaxtinimo ee Puntland waxa sida aan soo sheegnay ugu cadcad laba nin oo ay labadaba isku wanaagsan yihiin dawladda Federaalka ah. Waa Siciid  Cabdullaahi Deni oo hore usoo noqday Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya iyo Asad Cismaan Cabdullaahi oo ah nin dhallinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay dahwr iyo soddon jir kaasi oo tan iyo sannadkii 2010-kii soo ahaa taliyaha ciidanka la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano PSF, waana Murashaxa ugu da’da yar. Musharaxan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku hadho qodob ka mid ah shuruudaha tartanka oo dhigaya in aanu qofka isa soo sharraxayaa ka yaraan 40 sano jir sida uu qabo dasturka Maamulka Puntland.

Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa isna ka mid ah ragga ugu cadcad Musharaxiinta Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Lix ka mid ah Murashaxiinta tartankan u taagnaa ayaa Garoowe kaga dhawaaqay in ay u tanaasuleen xubno uu ka mid yahay Siciid  Cabdullaahi Deni kuwaasi oo sheegay in ay tartanka uga hadheen sidii ay codkooda ugu biirin lahaayeen xubno is baddal doon ah oo ay ku dadaali doonaan sidii aanu talada ugu soo laabteen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shalay gelinkii dambe ayaa lasoo gabogabeeyey Liiska kama dambaysta ah ee Murashaxiinta Madaxweyne ee Maamulkaasi oo doorashadiisa ay soo af-jari doonaan maalinta berri ah oo Bishan January tahay siddeed iyada oo ay codkooda dhiiban doonaan 66 Xildhibaanada oo Golaha Wakiilada ah, waxaana arrin xiisad weyn abuurtay noqotay Markii xubno ka mid ah bahda Garsoorka ee Maamul Goboleedka Puntland ay shalay ku baaqeen in tartanka laga reebo Murashaxa Madaxweyne ee wakhtigan sidoo kalena ah Madaxweynaha xilka haya Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas oo ay eedaymo u soo jeediyeen. Musharax waliba waxa uu shalay shubay oo laga qaaday lacag dhan $20,000 oo dollar oo kaash ah oo ka mid ahaa shuruudaha tartanka Madaxweyne u yaalla.

Isku soo wada duuboo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo aanay wali ka hir gelin wax nidaam dimuquraadi ahi, codkana ay bixin doonaan oo kali ah xidlhibaano nidaam beelaysan lagu soo xulay ayaa berri oo Salaasa ah loo ballansan yahay in ay doorashadani ka dhacdo waxaana doorashadii ugu dambaysay ee maamulkaasi lagu xasuustaa halkii cod ee uu Cabdiweli Gaas kaga helay madaxweynihii xilka uga horreeyey ee C/raxman Faroole.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews