Ciidamada Mareykanka Oo Billaabay Inay Kasoo Baxaan Suuriya
January 11, 2019 - Written by admin
Suriya(Berberatoday.com)-Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Suuriya, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Syuuriya u jooga inay ciidamada Kurdish-ka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.
“Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Suuriya. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.