Golaha Ammaanka Oo Ka Hadlay Dadkii Badda Ku Qarqoomay, Dunidana Faray In Laga Hortago Doonyaha Geerida
April 25, 2016 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in la dhaqangeliyo go’aamadiisii hore ee la xidhiidhay in doonyaha tahriibka laga mamnuuco badda Dhexe (Mediterranean ka) oo ah badda ay doonyaha geerida kaga tallaaban tahriibayaasha Yurub u tacaburayaa.