Ruushka Oo Ingiriiska Uga Digay Inuu Saldhigyo Ka Samaysto Wadamadii Uu Saldhigyada Ku Lahaa
January 15, 2019 - Written by admin
MoscowBerberatoday.com)-Xukuumadda Waddanka Ruushka ayaa walaac weyn ka muujisay wax ay ugu yeedhay is ballaadhinta Millatari ee dawladda Ingiriisku saldhigyo cusub kaga dhisanayso meelo kala duwan oo adduunka ah, waxaanu digniin ugu diray in uu ka joogsado hawshaasi oo uu sheegay in uu u arko daandaansi dhinaca istaraatiijiyadda Millatari ee adduunka ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Haweenayda lagu magacaabo Maria Zakharova oo dorraad saxaafadda kula hadashay Magaalada Moscow waxa ay sheegtay in qorshaha xukuumadda London ay saldhigyo Milatari iyo tas-hiilaad dhinaca Gaashaan dhigga ah oo ay meelo dhawr ah ka samaysanaysaa yahay Gardarro aan meelna loogu soo gabban iyada oo sheegtay in uu Ruushku qaadi doono tallaabo kasta oo uu isna ku difaaco danihiisa istaraatiijiga ah ee mandaqadaha muhiimka ah sida kanaalka Suways, Marin biyoodka Baabul-mandab iyo badda casba.