Maxkamadda ICC Oo Sii Deysay Madaxweyne Afrikan Ah Oo Xidhnaa
January 16, 2019 - Written by admin
Hague(Berberatoday.com)-Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ICC ee ku taal magaalada Hague ayaa sii deysay Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Laurent Gbagbo, kaasoo horay loogu soo eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada.
Maxkamadda ayaa ku weysay wax dambi ah, iyadoo aan caddeymo loo keenin eedeymihii lagu soo oogay.
Waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalka Ivory Coast sanadkii 2010, kaddib doorashadii lagu muransanaa, waxaana rabshadahaas ku dhintaan saddex kun, halka boqolaal kun oo kale ku barakaceen