Fanaanada Rihanna Maxay Maxkamadda Ugeysay Aabbeheed?
January 17, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanada caanka ah ee Rihanna ayaa aabaheed geeysay maxkamad ku taalla dalka Mareykanka, waxayna ku eedeeysay inuu si xun u isticmaalay magaceeda. si u horumar ugu sameeyo ganacsigiisa dhanka majaajilada.
Rihanna ayaa ku doodday in aabaheed Ronald Fenty iyo dad ay ganacsiga isla wadaagaan ay ka been abuureen xidhiidhka u dhaxeeya iyada iyo ganacsigooda.
Waxay dacwad oogayaashu sheegeen in ay dadweeynaha marin habaabiyeen, sidoo kalena ay dhaawac u geesteen shirkadda Rihanna ee soo saarta alaabta ay isku qurxiyaan dumarka.