Dawlada Qadar Oo Saanad Iyo Gaadiid Ciidan Oo Tira Badan Ugu Deeqday Dawlada Xamar
January 17, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa saaka dekadda magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad kooban oo dowlada federaalka Soomaaliya kula wareegeysay 68-gaadiid nuuca gaashaaman ah oo ugu deeqday dowlada Qadar
Markab weyn oo siday gaadiidka gaashaaman iyo qalab milatari ayaa maalin kahor kusoo xidhtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka iyo agabka Milatari dowlada Soomaaliya ugu deeqday Xukuumada Doha.
Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka milatariga ayaa kala wareegay masuuliyiin iyo saraakiil ka socotay dowlada Qadar gaadiidka gaashaamaan iyo agab kale milatari.