berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Abwaan Qoraa Siciid Maxamud Gahayr Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Qaabkii Loo Xidhay Iyo Xog Uu Ka Helay Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees
January 18, 2019 - Written by admin

Inkasta oo aan xidhnaa, dadka ayaa ii sheegi jiray bandhigga uu qabanayo Cabdiraxmaan Abees, waxaana ku xigay in gudaha la dhigo. Mararka qaarkood waxa aan ogaa iyada oo aan la ogeyn meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Illaa haddana il iyo baal ma saarin. Waxa aanse la xidhiidhay qoyskiisa si aan u helo xarunta la geeyay, xaaladdiisa caafimaad iyo xadgudubka lala beegsaday. Waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa warbixintii ay ehelkiisu iga siiyeen Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Abees) oo muddo toddoba cisho ah ku xidhan magaalada Hargeysa.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxa uu bandhig suugaaneed ku qabtay Maansoor Hotel markii sooyaalku ahaa 12kii Jeneweri 2019ka, maalin Jimce ah, habeen ay Sabti soo gelayso. Markiiba waxa ka muraara-dillaacay ciidanka Booliska Somaliland. Waxa geed dheer iyo geed gaabanba loo fuulay sidii loo xidhi lahaa.

Maalin Sabti ah, 13kii Jeneweri 2019ka Abbaaro 11:00kii barqannimo ayuu maqlay in la raadinayo isaga oo ku sugnaa gurigiisa, sidaas awgeed waxa uu gaadhigiisii geeyay aqal kale. Wax yar kaddib Cabdiraxmaan Abees iyo nin ay saaxiib yihiin oo la yidhaahdo Guuleed Dirir ayaa wada joogay Guuleed Hotel, waxaanu helay xogo kale oo xadhig u tebinaya. Waxa uu dadkii cabsi-gelinayay uu ku yidhi “Nin is-qarinaya ma ihi. U sheega askarta in aan Guuleed Hotel joogo”.

Cabdiraxmaan Abees waxa uu tegay Lake Asal Hotel si uu uga qadeeyo. Iyada oo qadadi hor taallo ayaa ay ka soo dul degeen ciidan boolis ahi.”Waan idin raacayaa, cuntada aan cuno” ayuu yidhi. Lama dhegaysan tabashadiisa, waxaana la haaday ciidan u dhaqmaya si arxan darro ah. Sida la weriyo, malaaiigtu way ka xishootaa qofka wax cunaya. Laakiin askarta Somaliland xitaa intuu hadhimada liqayo uma ay kaadin.

Jujuubka iyo haaraanka ay boolisku caanka ku yihiin ayaa lagu garba-duubay, waxaana lagu hubsaday gaadiidkii askarta. Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan waxa lagu tuuray xarunta argaggixasada ee C.I.Dda Hargeysa ee loo yaqaanno CTU: Center for terrorism unit. Waxa lagu bannaday qol aan hore maxaabiista loogu xidhi jirin oo uskag iyo habaas lahaa. Isla markaa waxa loo diiday in uu qaato dawada uu ku tacaalo xanuunka xiiqda.

Halkaas ayaa lagu karantiimeeyay, waxaanu hanjabaad dheeraad ah kala kulmay ilaalaada xarunta oo si gaar ah loogu ballamiyay. Waxa jira ciidan badan oo mooda in lagu dallaco hagardaamada, dhibta iyo kadeedka maxaabiista iyo shacabka. Kuwii ayaa bar bannaan ka helay. Ta kale boolisku waxa ay qofka ciidankooda wax ka sheega ula dhaqmaan sidii qof riddoobay. Dhaliisha Cabdiraxmaan waxa ay ahayd toosin. Ma uu geyin in sidaas loo laba-gacmoodiyo.

Sida ay xigtadiisa oo aan ka darmeeyay murugo badani ay ii sheegeen, subaxnimadii ayaa loo qaaday maxkamadda, waxaanu garsooraha kula dooday in aanu argaggixiso ahayn, sidaas awgeed ayuu garsoorku u amray in meel kale la geeyo. Isla markii ayaa loo wareejiyay Saldhigga Dhexe iyada oo aan cidna la wargelin. Waxa keligii lagu arjumay qolka dambe ee lagu hayo dhagar-qabeyaasha dilka geysta iyo dadka loo haysto eedaha culus ee Saldhigga Dhexe. Makhsin qoyan ayaa la dhex geeyay isaga oo aan gogol, dhar iyo buste midna wadan. Keliya hal go’ ayuu sitay. Ogaan ayaa biyo loogu qubay si uu jiif iyo joogba u diido.

Waxa intaas ay qaraabadu ku dareen in uu yidhi “Bal waan iska taagnaan inta qolku qallalayo”. Sarajoog iyo seexasho-la’aan ayuu xammilay. Surmi iyo saranseer ayaa sahay iyo sooryo looga dhigay. Mar dambe ayuu maxbuus kale ugu deeqay caw. Waxa aabbihii, qoyskiisa iyo dhammaan ummadda laga qariyay halka uu ku xidhan yahay. Isaga oo Saldhigga Dhexe ku rafaadaya ayaa laga dhigi jiray in uu ku jiro CTU. Si aanu ashahaate warkiisa u helin ayaa keligii la weeteeyay oo la go’doomiyay.

Mar kale, sida ay waalidka iyo walaalladii ii xaqiijiyeen, waxa hortiisa fadhiyay soddon maxbuus oo dhaxanta lagu katiinadeeyay. Waxaanu ku yidhi “Waxa keligay qolka la iigu xidhay waa ciqaab, idinkana jidh dil ayaa bannaanka la idiin fadhiisiyay. Waynu wada qabnaa bayhoofka. Midkeenna looma danaynayo”.

Ayaan-darrooyinka dhacay waxa ka mid ah in wixii qoysku u keeno ee agab ah inta CTU laga soo qaado ayaa Saldhigga Dhexe la keeni jiray. Si ay u qariyaan xogtiisa ayay qudhoodu naftooda u caddibeen. Maxbuusku ma geyo in sidaas loola dhaqmo. Cuntadiisa inta la iska qaato ayaa dheef aan nafaqo lahayn looga iibin jiray suuqa. Cadaawad aanan hore warkeeda u haynnin ayaa lagu bannaday.

Xogaha aan u kuurgalay ayaa xusay in markii uu sidaas arkay ayuu sameeyay cunto-joojin. Laba cisho iyo laba habeen ayaanu afka cunto gelin. Taliyaha Saldhigga Dhexe ayaa yidhi “Ma hayn karo. Wuu igu dhimanayaa”. Sidaas awgeed ayaa loogu beddelay CTU. Maadaama oo habdhqanka CTU uu ahaa mid aan tudhaale lahayn waxa la isla gartay in loo beddelo Xabsiga weyn ee Hargeysa. Waxaana loo xushay iyada oo xabsigu uu nadaafad ahaan dhaamo Saldhigyada geerida ah ee Hargeysa. Xarunta kasta oo loo tuhmayo adayg ayaa la mariyay, wax uu taas ku galabsadayna ma garanayo.

Waxa ay qoyskiisu intaas ii raaciyeen in Cabdiraxmaan Abees la hor keeni doono maxkamadda Gobolka Maroodijeex maalinta Sabtida haddii Alle idmo. Waxa aan bulshada Hargeysa ku sugan ugu baaqayaa in ay ka soo qayb galaan horkeenista maxkamadda, si aynu indhaheenna u saarno Abwaanka daljirka ah ee loola dhaqmayo qaabkii gacan-ku-dhiigleyaasha ama sharwadayaasha lidka ku ah xasilloonnida, walaalnimada iyo horumarka qaranka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixintan

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews