“Waxaynu Isku Haysano Xal Waynu Ka Gaadhi La’nahay, Somaliya Hub Urursi Ayey Ku Jirtaa”Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile
January 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Gawaadhida gaashaman ee Dawladda Qadar ay ugu deeqday Somaliya, waxaanu tilmaamay inay Somaliland khatar ku tahay.
Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in xal deg deg ah laga gaadho khilaafka Xisbiyada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dawladda Somaliya ka dhisani, dagaal dhinacyo badan bay inagula jirtaa, waxaynu ognahay in Maamulkii Hawadeena lagu wareejiyey, waxaynu ka war haynaa in Shirkado Shiinaha ay heshiis la gashay heshiiskaas oo Baddeenuna qayb ka tahay, waxaynu ognahay in xitta Wasiirkii Gaashandhiga Ingiriiska ee dhawaan dalkeena yimid inay Dacwad ka gudbisay, markaas Dawladda Somaliya dhinac walba wey inagala dagaamaysa, oo wax alaale waxay inoo ogoshay ma jirto”.