Layaab: Magaalo Guryaheeda Lagu Iibinayo Hal Euro Oo Kaliya !
January 21, 2019 - Written by admin
Itlay(Berberatoday.com)-Maamulka Magaalada Sambuca de Cecilia ee Dalka Italy ayaa waxa ay shaaciyeen in ay qaadeen Olol’e aan caadi ahayn oo lagu Iibinayo guryaha magaaladaasi qiimahaasi oo ah in Hal Euro oo kaliya Guri la siisan karo .
Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee CNN Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ujeeddada maamulka magaaladaasi ka leeyahay arrintani ayaa waxa ay tahay sidii ay magaaladaasi u soo degi lahaayeen dad cusub, maaddaama oo dadka magaaladaasi ku nool ay aad u tira yar yihiin .