Madaxweynaha Suudaan Oo La Filayo Inuu Booqasho Ku Tego Qadar
January 22, 2019 - Written by admin
Sudan(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa maanta booqasho ku tegaya dalka Qadar xilli dalkiisa ay ka socdaan dibadbaxyo rabshada wata, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Qadar.
Al Bashiir ayaa lagu wadaa maanta inuu la kulmo amiirka Qadar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, waxaana la filaya inay ka wada hadlaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka labada dal.
Sheekh Tamiim ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu horreeyay ee adduunka oo sheegay inay garab taagan yihiin madaxweyne Al Bashiir kaddib markii dalka Suudaan ay harreeyeen dibadbaxyo rabshado dhaliyay oo looga soo horjeed sicirka cunnada oo qaali noqday.