Diyaarad Uu Saarnaa Ciyaaryahan Katirsan Horyaalka Premier League-ga Oo La Waayay
January 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah ciyaartoyda ku biiray horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la socday diyaarad nooca yar yar ah oo la waayay xilli ay ku duuleysay hawada jasiiradaha Channel Islands.
Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka jooga £15malyan oo gini ayaa ka mid ahaa 2 ruux oo la socotay diyaaraddaas la la’yahay tan iyo habeenimadii ay Isniinta sii baxeysay.
Ciyaartoygan 28 jirka ah oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka tirsanaa kooxda Cardiff City oo ku jirta horyaalka heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.