Ex Madaxweyne Xasan Sheikh “Sida Hadda Wax U Socdaan Dalka Uma Baahna ..”
January 23, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha hadda uu dalka marayo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in xooga la saaro.
Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo ka hadlay Sooyaalka Soomaaliya 100 kii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in qaanuunka iyo sharciga gacan adag lagu qabto.
Taasi badalkeeda ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacan adag ku qabato shaqsiyaadka mucaaradka ah ee kasoo horjeedo aragti ahaan.