berberatoday.com
Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Dedaal Ugu Jirto Sidii Ay Isku Soo Hor-fadhiisan Lahaayeen Madaxweyne Biixi Iyo Dhiggiisa Soomaaliya
January 23, 2019 - Written by admin

“Waanu Sii Wadaynaa Taageerada Iyo Dhiirri-Gelinta Qorshaha Wada-Hadallo Dhexmara Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi…”

London(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday inay dowlad ahaan ka go’an tahay dhiirri-gelinta iyo taageerada inay sii socdaan wada-hadallo ay isku soo hor-fadhiistaan Dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriska, ayaa sheegay in dowladdiisu dhiirri-gelinayso inay halkoodii ka soo amba-qaadaan wada-hadallada u dhexeeyey labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dhiggiisa Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wargeys ka soo baxa magaalada Cardiff ee gobolka Wales ee dalka Britain, ayaa daabacay warbixin si qoto-dheer uga hadlaysa horumarka Somaliland, dedaalka ay ugu jirto aqoonsi beesha caalamka ay ka hesho iyo doorka Dowladda Ingiriisku ka qaadan karto. Arrintan oo Wargeysku wax ka weydiiyey Haweenay Afhayeen u ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britian, ayaa waxay ku jawaabtay, “Waxaanu aaminsannahay inay khusayso dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland sidii ay heshiis uga gaadhi lahaayeen mustaqbalkooda. Sidoo kale waxay u taallaa dalalka gobolka inay hormood ka noqdaan aqoonsiga natiijada ka soo baxda heshiiska. Waxaanu ku dhiirri-gelinaynaa labada dhinac ba inay isugu yimaaddaan wada-hadallo joogto ah oo laga soo shaqeeyey,” ayey tidhi Haweenaydani.

Afhayeenku waxay tibaaxday doorka ay dowladdeedu ka qaadan karto sii-socoshada wada-hadallada labada waddan oo arrimo siyaasadeed oo la isku maan-dhaafsan yahay u joogsaday. “Taasi waa mowqifka ay dowladda UK muddada dheer ka taagnayd arrinta Somaliland. Waanu sii wadaynaa taageerada iyo dhiirri-gelinta qorshaha wada-hadallo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi..”

“Sida uu wasiirka UK u qaabilsan Afrika ku caddeeyey safarkii uu ku tagay Hargeysa bishii October, UK waxay dannaynaysaa xidhiidhka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland, waxayna ka shaqaynaysaa inay taageerto ammaanka iyo horumarka ay waddaagaan dadka ku nool deegaannada Soomaalida oo Somaliland ku jirto,” ayey tidhi.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK oo ka hadlayey taageerada ay siiyaan Somaliland, waxa uu yidhi, “Taageerada aanu siinno Somaliland waxa ka mid ah inaanu ka caawinno xoojinta kaabayaasha dowladda meelaha muhiimka ah ee ay mid yihiin maareynta maaliyadda dowladda, Koboca dakhliga ilaha dhaqaalaha maxalliga ah, waxaanu iskaashi kala leenahay tabobarro la siiyo dhakhaatiirta iyo kal-kaalisooyinka caafimaad si  loo taageero in helitaanka adeegyada caafimaadka.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews