Tartan Galaaftay Nolosha Wiil Yar Oo Sababay Gebi Ahaanba La Joojiyo
January 25, 2019 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Tartan aad u layaab badan oo ay ku tartamayeen dadka u dhashay Dalka Sucuudiga gaar ahaan kuwa dagan magaalada Al-rubuc Al-khaali, ayaa si aad ah loogu qaadaa dhigay baraha bulshada.
Tartankan ayaa waxa uu ahaa inta Disti lagu shubo biyo, kadibna la karkariyo, kaddibna qofka tartankaasi galayaa uu gacmihiisa ku qaado Distidaasi oo ay ku jiraan biyihii kulula, sidaasna uu muddo daqiiqado ah ku hayo gacmihiisa isaga oo aan gashan wax kulaylka ka difaaca.