Macluumaad Cusub Oo Laga Soo Saaray Dadkii Ka Dambeeyay Dhibkii Ka Dhacay Jigjiga
January 26, 2019 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xafiiska xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.
Mas’uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin.