Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Laba Hay’addood Oo Kala Ah Fair Fishing Iyo Transfigure Foundation.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta madaxtooyada ku qaabiley Laba Hay’adood Oo Kala Ah Fair Fishing Iyo Transfigure Foundation oo ka shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga.
Kulankan Madaxweyne ku xigeenku la qaatay labadaa hay’adood ayey ujeedkiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa loona diyaarin lahaa qabsoomida Carwada Kalluumaysiga Somaliland ee Sanadkiiba mar lagu qabto dalka, laguna soo bandhigo wax-soo saarka Kalluunka, oo ay ka wada shaqeeyaan hay’adda Fair Fishing iyo wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga.