Madaxweyne Biixi Oo Bedelay Aragti Uu Bil Ka Hor Aaminsanaa Iyo Hadal Uu Ummada U Sheegay Oo Beenoobay”Daawo Laba Muuqaal Oo Isburinaya
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo 9 bishii December ee 2018-kii kormeer ku tagay cisbitaal guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu wacad ku maray in wasiiradda xukuumaddiisu marka ay xannuustaan la dhigi doono cisbitaal, waxaanu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay aaminaan cisbitaalka dawladda.
Madaxweyne Muuse Biixi oo maalintaas ay hadalkiisa ka muuqatay qiiro badan ayaa waxa uu sheegay in aanay dadka reer Somaliland aaminsanay dhakhtarka weyn ee Hargeysa in lagu daweeyo iyo in caafimaadkooda lagu baadho.