Rakaab Sababay Inay Si Deg-deg Ah Ucago-dhigato Diyaarad Ukala Gooshaysay Yurub Iyo Afrika
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
France(Berberatoday.com)-Diyaarad rakaab ah oo ka soo kicitintay Magaalo madaxda Dalka Frace ee Paris una socotay Dalka Tunisia, ayaa si degdeg ah u caga dhigatay gegida diyaaradaha ee Magaalada Nice ee dalkaasi France.
Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Le Monde ee ka soo baxda Dalka France, kaas oo sheegay in mid ka mid ah rakaabkii diyaarada uu ku kacay falal aad u layaab badan oo sababay inay is gacan saaraan qaar ka mid ah rakaabka diyaaradaasi.