War Deg Deg Ah”Ciidamada Booliska Berbera Oo Xabsiga Utaxaabay Wariye Mukhtar Cabdiraxmaan Xariir Oo Warbaahinta Qaranka Somaliland Katirsan
January 28, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Berbera ayaa saaka subaxnimadii hore Xabsiga Utaxaabay wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Xariir oo kamida Suxufiyiinta ka hawl gala Gobolka Saaxil gaar ahaan Warbaahinta Dawlada Ee Tv.ga Qaranka Iyo Idaacada Radio Hargeysa sidoo kale wariyahani waxa uu Wakiil Gobolka Saaxil uytahay Ururka Saxaafada Somaliland ee SOLJA.
Xadhiga wariyahan ayaanu wax ka weydiinay Cabdisalaan Xariir sheekh Cismaan oo ah Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Gobolka Saaxil islamarkaana ah wariye ay kawada tirsan yihiin Warbaahinta Qaranka Somaliland Wariyahan Xabisan waxaanu noo sheegay in xadhiga wariyaha uu amarkiisa bixiyay Taliyaha C.I.D Booliska Berbera Ibraahim Dhegasayn uu sheegay inuu ku haysto qoraal uu wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan ka sameeyay xadhig uu isla taliyahani shan maalmood ka hore ugaystay Cabdisalaan xariir Sheekh Cismaan oo saacdo kooban saldhiga dhexe ee berbera ku xidhnaa lana siidaayay.Cabdisalaan Xariir Sheekh Cismaan ayaa sidaa warbaahinta usheegay.