Mareykanka Oo Ku Dhaggan Madaxa Shirkad Shiinaha Laga Leeyahay
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa dacwado dhawr ah waxa ay ka gudbisay madaxa dhaqaalaha shirkadda tiknoolajiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha Meng Wanzhou.
Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah, wax idaba marin lagu sameeyay bangiga iyo fiilooyin, shariciga Mareykanka oo la baalmaray iyo xatooyo loo geeystay shirakadda technology-adda T Mobile ee laga leeyahay Mareykanka.
Ms Meng ayaa waxaa bishii aynu so dhaafnay lagu xiray dalka Canada kadib markii uu mareykanka ka codsaday in la xiro Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmaratay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iran.