“Waxaa Jira Waddamo Badan Oo Aan Laheyn Dowlad Maamusha, Soomaaliya Ayaa Ka Mid Ah”Madaxweynaha Uganda
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
Uganda(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Uganda Yeweri Musevani, ayaa Teleshinka NTV Uganda ka sheegay in Soomaaliya aanay lahayn dawlad nidaamsan oo shaqeynaysa, taasi oo muujinaysa niyad-jabka kaga dhacay Xukuumadda aan dalkeeda xaslan karin ee Muqdisho ku urursan.
Madaxweynaha Uganda wuxuu tilmaamay in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dawlad, waxase uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ka mid tahay Waddamadaas.
