berberatoday.com
Cabdillaahi-jawaan Oo Madaxweynaha Ku Dhaliilay Guddi Wasiirro Ah Oo Uu Sheegay Inuu U Saaray Inay Ka Soo Talo-bixiyaan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada
January 29, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Cabdillaahi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay guddi uu sheegay inuu u Magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.

Cabdillaahi-jawaan wuxuu sheegay in Madaxweynuhu uu Xubno Golaha Wasiirrada Xukuumadda ka mid ah uu u Magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo muddo-dheer muran ka taagan yahay, waxaanu sheegay inay habboonaan lahayn in Madaxweynuhu uu Guddiga ka soo talo-bixinaysa Saami-qaybsiga uu ka dhigo Dad arrintaa Waayo-aragnimo u leh isla-markaana kala yaqaana Beelaha.

Cabdillaahi-jawaan oo Shalay u warramay Warbaahinta isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo ka hadlaya Guddiga uu sheegay in Madaxweynuhu u Magacaabay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland “Madaxweynaha ayaa loo doortay Hoggaaminta Dalka, laakiin marka la doonayo arrin adag waxa loo diraa Dad khibrad u leh oo garanaya dhaqanka, waxaa ka socda gun iyo baar garanaya halkay ka qalloocan yihiin, markaa anigu Golaha Wasiirrada umaan direen (Saami-qaybsiga), Waayo? Wasiirradu waxay ka masuul yihiin Wasaaradahooda, Dadka khibradda leh ee Waayo-aragga ah ee dibedda ka jooga (Talada) ayaan u Magacaabi lahaa qaabka ugu wanaagsan ee Saami-qaybsiga loo samaynayo, laakiin Madaxweynuhu isagaa doorashadiisa leh..”

Cabdillaahi-jawaan wuxuu sheegay in xilligii uu La Taliyaha u ahaa Madaxweyne Siilaanyo uu soo jeediyey in Kuraasta Golaha Wakiillada laga dhigo 114, Guurtidana laga dhigo 50 Xubnood “Markaan ahaa La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha doorashooyinka, Anigu arrintan hore ayaan Talo uga dhiibtay, waxaan idhi tirada Baarlamaanku way yar tahay, waxaan soo jeediyey in Baarlamaanka (Wakiillada) laga dhigo 114, Guurtida ayaan ka jaray 32, waxaan idhi Guurtida 50 ha laga dhigo. 114-kaa (Wakiillada) Beelo umaan qaybin ee Gobollo ayaan u qaybiyey sida Gobolladu u kala badan yihiin, Awdal waxbaan ku daray.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu soo jeediyey in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo sidii hore, illaa inta la samaynayo Diwaangelinta Dadweynaha “Waxaan leeyahay Inta Tiro-koob la samaynayo sidii hore ee lagu fadhiyey Golaha Wakiillada ha lagu galo doorashada..”

Cabdillaahi-jawaan ma sheegin Tirada Wasiirrada ee Madaxweynuhu u Magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada.

Muranka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo Beelaha qaarkood salluugsan yihiin tirada Xildhibaannada ay leeyihiin, ayaa qayb ka ah dib u dhac markii shanaad ku yimid doorashada Golaha Wakiillada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews