War Deg Deg Ah”Qarax Xoogan Oo Imika Kadhacay Muqdisho
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay dhawaqiisa qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa.
Qaraxa ayaa ka dhex dhacay Kaalin shidaal oo ku taala agagaarka Hotelka Naasa Hablood, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa gaadhi la dhex galiyay kaalinta Shidaal.
Lama oga khasaaraha ilaa iyo hadda, waxaana socda dadaalo lagu daminayay dabka ka kacay kaalinta shidaal dhexdeeda.