Tahriibayaal Ku Dhintay Badda Turkiga
January 31, 2016 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya dalka Turkiga waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 33 qof oo tiro caruur ah ay ka mid yihiin ay ku dhinteen badda Aegean.
Dadkaasi oo ahaa tahriibayaal waxa ay doonayeen inay gaaraan dalka Giriigga.
Ilaalada xeebaha waxa ay sheegayaan in markii doontii dadkaasi saarnaayeen ay qarqameysay inay ku dhowaayeen jasiiradda Lesbos.