berberatoday.com
Maraykanka Oo Cunaqabateyn Horleh Saaray Venezuela
January 29, 2019 - Written by Berbera Today

New York(Berberatoday.com)-Dowlada Maraykanka oo cadaadis ku heysa Xukuumada Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa sheegtay in la xayiray dhamaan hantida iyo dhaqaalaha shirkada Batroolka ee Venezuela u yaal wadanka Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa ah suuqa ugu weyn ee la geeyo batroolka laga soo saaro dalka Venezuela, hantida la xayiray ayaa waxaa kamid ah shirkada Citgo ee fadhigeedu yahay Maraykanka midaasi oo hoos timaada shirkada weyn ee batroolka Venezuela Petroleos De Venezuela SA (PDVSA).

Maraykanka ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn xukuumada talada heysa ee Nicolas Maduro iyagoo sheegay inay taageersan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Venezuela  Juan Guaido oo sheegtay inuu yahay Madaxweyne Kumeel gaar ah, Mr.Guaido ayaa taageersan go’aanka Maraykanka ee xayiraada isagoo sheegay in arrintan ay ka hortageyso in Maduro uu dhaco xoolaha Qaranka Venezuela.

Nicolas Maduro ayaa sheegay in maxkamadaha caalamiga ah la tiigsan doonaan Maraykanka oo uu sheegay inuu usoo bareeray boobka iyo dhaca hantida Venezuela gaar ahaan batroolkooda. Wuxuuna sheegay in farogelinta Maraykanka wado uu keeni doono dhiig daata.

Xukuumada Maraykanka iyo Mucaaridka Venezuela ayaa aaminsan xayiraada la saaray shirkada batroolka inay si gaar ah u taaban doonto Militariga Venezuela oo shirkadaasi dusha ka maamula kuwaasi oo hada ah awooda uu weli ku joogo Nicolas Maduro, iyagoo rajeenaya in militariga lagu cadaadiyo inay taageeraan mucaaridka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews