Al Shabaab Iyo Maamulka Hiiraan Oo Maxaabiis Isdhaafsanaya !!!
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay ka shaqeeyeen sidii maxaabiis ay isku dhaafsan lahaayeen Al shabaab iyo maamulka Hiiraan.
Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay warkaan, waxaana ay sheegtay Idaacadda in odayaasha dhaqanka ay ka shaqeeyeen sidii arintaasi ay u dhici laheyd.
Al Shabaab ayaa gacanta ku hayay askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo ay shirqooleen dad uu khilaaf kala dhaxeeyay, xili uu ku sugnaa magaalada Beledweyne.
Dadaalo dheer oo ay sameeyeen odayaal, wax garad iyo ganacsato ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in Al-shabaab ay kasoo daayaan Askarigii loo geeyay, si loo sii daayo sedax ruux oo ka kooban oday, ganacsade iyo wade gaari oo dhacdadaasi lagu eedeeyay in ay ka qeyb ahaayeen dadkii askariga dhiibay.
Askariga ka tirsanaa guuta shanaad qeybteeda 27-aad ayaa lagu wareejiyay labo cisho kahor taliska maamula guutada uu ka tirsanaa, halka maanta dadkii eedeysanayaasha ahaa Reerahoodii lagu wareejiyey.
Tani ayaa ka dhigan in mamulka goballka Hiiraan uu ku guuldareestay wax ka qabashada dhanka amniga maadama ay dhacayaan falal aan wali horay uga dhacin goballka hiiraan.