berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Shaaciyey Ciddii U Diiday In Uu Ka Hadlo Caleemo Saarkii Madaxweyne Deni
January 29, 2019 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay sababtii hadal looga siin waayay caleemo saarkii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo lagu casuumay waxaanu madaxtooyada Muqdisho ku eedeeyay in ay loolan weyn u gashay sidii aanay mucaaradku uga hadli lahayn xafladda caleemo saarka.

 

Cabdiraxmaan oo waraysi bixiyay ayaa la waydiiyay waxa ku gaarka ah ee loogu diiday ka hadalka xafladda “Taas waxa la waydiinaya waxa haddaba igu gaarka ah ee xisbiga Wadajir iyo hoggaankiisa gaarka ku ah ee loo beegsado ee loo weeraro ee hawlqabadkiisa caqabada loogu noqdo ee loo hor istaago kuwaas oo xooggoodu u badna magaalada Muqdisho ee dawladda Federaalku degan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaasi raaciyay sababta xukuumaddu u beegsato “ Waa uun siyaasad iyo shirqool ka socda dhinaca madaxtooyada, xataa waxaad la socota Kenya mar aanu damacnay in aanu dadka Soomaalida la kulano oo barmaamijyo ku qabano in nala caqabadeeyay iyada oo siyaasiyiin Kenyan ah la isticmaalayo tii uun baa halkana ka daba timid oo wax cusub maaha, aniga iguma cusba xisbiga Wadajirna kuma cusba dhegaha Soomaalidana kuma cusba,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdishakuur waxaanu intaas ku daray in dadkii madasha ka hadlay hadalladooda lagu xaddiday arrimo gaar ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews