Rabashado Ka Bilaabmay Jigjiga Iyo Dhawaqa Rasaasta Oo Laga Maqlayo Gudaha Magaalada
January 29, 2019 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in rabshado ay ka bilaabmeen magaalada Jigjiga, waxaana xaafadaha qaar laga maqlayaa dhawaqa rasaasta.
Waxa ay Wararku sheegayaan in qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay xidheen waddooyinka qaar ee magaalada,waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha.
Sidoo kale Wararka ayaa intaa ku daraya in qowmiyadda amxaaradda ay ka cadhoodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaadhsiiyay.