Dawladda Sucuudiga Oo War Ka Soo Saartay Dhoofka Xoolaha Soomaalida, Kuna Baaqday In Laga Soo Baxo Shuruudaha Lagu Xidhay Xayiraad Ka Qaadista
January 30, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto.