London(Berberatoday.com)-Hogaamiyaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ku rabto in ay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March.
Baarlamaanka Britain ayaa Talaadadi shalay ansixiyay codi ay ay Theresa May Midowga Yurub uga codsatay in ay dib uga wada shaqeeyaan heshiiska Brexit gaar ahaan xuduuda Ireland.