Koox Dhalinyaro Wiilal Ah Oo Sadex Haween Ahi Wehelinayaan Oo Weerar Gacan Ka Hadala Ku Qaaday Cisbataalka weyn Ee Hargeysa Iyo Dhaawac Kasoo Gaadhay Kalkaaliso caafimaad
January 31, 2019 - Written by Berbera Today
Kalkaaliso Caafimaad Ee Lagu Dhex Dhaawacay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxo dhalinyaro ah ayaa Weerartay Cisbitaalka Hargeysa Habeen Hore Abaaro 10:30 Habeenimo Waxaana Dhaawac Culus uu Soo gaadhay Ubax xirsi oo ka tirsan Shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa.
Weerarka ayaa ka Dhashay sida lay sheegay muran dhex maray Shaqaalaha Cisbitaalka gaar ahaan qaybta umulaha oo ubax ka shaqaynaysay iyo saddex dumara oo is dhalay oo doonayay inay gudaha ugalaan waadhka umulaha ee cisbitaalka.
Ka dib waxaa gudaha Cisbitaalka Soo galay dhalinyaro kooxo ah oo gawaadhi lagu siday ka dibna weerar ku qaaday waadhadhka kala duwan ee Cisbitaalka Waxaana weerarka uu waxyeelo darani kasoo gaadhay Ubax xirsi oo kamid ahayd Shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa taasi oo dhagax lagaga dhuftay isha midig oo ay jabtay lafta ka hoosaysa Isha Waxaana hadda lagu dabiibayaa Cisbitaalka Royal ee Magaalada hargeysa.
Dhalinyaradii Weerartay Cisbitaalka ayaa lay sheegay In ciidamada bilaysku badh Soo qabteen kuwa kalana ku Daba jiraan.
Haddaba waxaa is weydiin mudan sidee Cisbitaalka qaranka loo weerari karaa iyadoo xero ciidan kasoo horjeedo ?
Sakariye Sudaysi