Ex Wasiir Maxamud Xaashi Oo Berbera Dhuumasho Ku Jooga Iyo Ujeedada Safarkiisa Oo La Ogaaday
January 31, 2019 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada ee Xukumadii Madaxweyne Siilanyo Maxamud Xaashi Cabdi oo quudaranaya Musharaxnimada Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye Hadiiba uu wareejiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Labadii maalmood ee udanbeeyay ku sugna magaalada Berbera iyada oo shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiyena bishan 23.02.2019 lagu bqaban doono Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal.