Sirdoonka Dalka Maraykanka Oo Sheegay Inaan Weli Laga Adkaanin Kooxda DAACISH
February 1, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Sida laga soo xigtay Agaasimaha mukhaabaraatka qaranka Mareykanka Dan Coats, kooxda isugu yeedha dowladda Islaamka ee DAACISH ayaa wali amarta kumanaan dagaalamayaal ah oo ku sugan gudaha Ciraaq iyo Suuriya waxa ayna xambarsan yihiin fikrado khatar ah inkasta oo dhulal badan laga qabsaday.
Hadalkiisan ayaa ka soo horjeeda hadal uu dhawaan sheegay Madaxweyne Trump oo ahaa in kooxda dowladda Islaamka ee IS laga adkaaday isagoo taasi u coskaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya.
Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Coats in Madaxweyne Trump uu sumcad ku helay inuu caalamka ka dhigayo goob nabdoon uuna la kulmayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, isago ku shaaciyay bartiisa twiterka in halistii Nukliyeerka ay dhammaatay.