Xisbiga UCID Oo Sheegay In Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Ciro Uu Madaxweyne Biixi Ka Dalbaday In Loo Mag-dhabo Kharashkii Kaga Baxay Doorashadii Madaxtooyada
February 1, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweynaha Somaliland oo kaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada uu ka dalbaday in loo Magdhabo kharashkii Xisbigiisa WADDANI kaga baxay doorashadii Somaliland ka dhacday bishii November, 2017-kii.
Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdiqani Salaf oo daba socday eedaymo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka mid ahi u jeediyeen Guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro iyo Xisbiga WADDANI aanay iska war-qabin, isagoo Guddoomiye Cabdiraxmaan ku eedeeyay daacadnimo la’aan.