Hoggaamiyaha Asxaabta Mucaaradka Suudaan Oo Xabsiga Loo Taxaabay
February 1, 2019 - Written by Berbera Today
Khartuum(Berberatoday.com)-Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabadh uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Laba kamid ah gawaadhida booliska ayaa gaadhay guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen.
Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah.
