“Mashaariicda Horumarinta Ee Kor U Soo Qaadaya Dhaqalaha Dadka In La Siyaasadeyo Maaha, Heshiiska Somaliland iyo Dp World-na Wakhtigii Aan Joogay Ayuu Bilaabmay”.Xasan Sheekh
February 1, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadley heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Shirkada Dp World, Isagoona sheegay in aan la siyaasadayn mashaariicda horumarinta ee kor u soo qaadaya dhaqaalaha dadka.
Dhinaca kale Ex: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa kale oo uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay soo bandhigto heshiiskaas ay la gashay shirkada Dp World.