“Dr. Cali Ciise Cabdi Si Xun Ayaa Loola Dhaqmay Doorashadii Puntland”Madaxweyne Muuse Biixi”Daawo Muuqal
February 3, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasabad lagu xusay 25 guuradii aas aaska ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in guuldaradii Dr. Cali Ciise Cabdi ka soo gaadhay Garoowe ay tusaale u tahay sida aan loo wada lahayn deegaanadaas iyo Soomaaliya oo dhan.
Muuse waxa uu ka hadlayey collaada Tukaraq oo uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas abaabulkeeda lahaa.
Waxa uu tusaale u soo qaatay Dr. Cali Ciise, Professer Axmed Ismaaciil Samatar, Professor Cali Khaliif Galaydh iyo Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhammaan ku soo hungoobay hankoodii syaasadeed ee Koonfur.