Qorshihii Isku Filnaanshaha Cuntada Ee Somaliland Oo Fashilmay Iyo Gargaar Caalami Ah Oo Ay Dalbatay
February 3, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in macaluul baahsani ay soo foodsaartay dadka shacabka ah ee ku nool lixda gobol ee waa weyn.
Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa soo bandhigay tirada dadka reer somaliland ee qarka u saaran inay soo foodsaarto macaluul.
Baaqa xukuumada somaliland ayaa daaha ka faydaya inuu fashilmay qorshihii ay hore u dhigtay ee la xidhiidhay in marka wasaarada beeruhu ay waxsoosaar samayso isku filaansho laga gaadho dhinaca cuntada.