Gudoomiye Ciro Oo Kulan Gaar Ah Hargeysa Kula Yeeshay Safiirka Ingiriiska Ee Xilka Ka Tagaya+Daawo Sawirada
February 3, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka dhawaan xilka laga bedelay ee Ingiriiska Mr David Concar oo uu weheliyo ergayga cusub ee Ingiriisku u soo magacaabay xafiiskooda Hargeysa ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan la taliyihiisa arrimaha dibadda Faadumo Siciid, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X. Xasan iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Looge.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka hoggaanka WADDANI iyo Masuuliyiinta metelayay Ingiriiska laakiin, qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka ku qoray xoghayaha WADDANI Mr Khadar Looge ayuu ku sheegay in ay ka wada hadleen doorashada baarlamaanka, islamarkaana ay si cad ugu sheegeen in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin laakiin, ay madaxweynaha ka sugayaan in uu diyaariyo jawiga doorashadu ku qabsoomayso.