Muqdisho(Berberatoday.com)-Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo goordhawayd ka dhacay agagaarka dowlada hoose ee Xamar.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu soo waramayaa in uu ku qarxay goob u dhow dhismaha xarunta dowlada hoose ee gobolka Banaadir.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa hadana warar hordhac ah oo la helayo waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo uu dhaliyay qaraxan.
Gaadiidka degdeg ah ee Ambalaasta loo ayaan ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay daad guraynayso dadka ku waxyeelobay qaraxan ismiidaaminta ah ee loo adeegsaday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.