Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Malaayiin Soomaali Ah Ay U Baahan Yihiin Gar-Gaar
February 4, 2019 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.5 Milyan ruux oo Somalia ah ay u baahan yihiin gargaar dhaqso ah, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii dayrta ee la filayay inay da’aan.
Saraakiil ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa uga dhawaaqay Muqdisho shalay in cunno-yaraan ba’an ay jirto, iyagoo hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo quudin lahaa dadka ay cunno la’aantu saameynta ku yeelato.
