Xogo Laga Helay Shirkadda London Ku Xaraashaysa Shidaalka Soomaaliya
February 4, 2019 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Hogo Laga Helay Shirkadda London Ku Xaraashaysa Shidaalka Soomaaliya
Khamiista soo socota ee toddobaadkan waxaa hotel ku yaalla London ka furmi doona shirka xaraashka kheyraadka shidaal iyo gaas ee dalka Soomaaliya. Haddaba yaa maalgalinaya shirkaasi?.
MAXAY TAHAY SCHLUMBERGER?
Schlumberger waa shirkadda ugu weyn ee saliid iyo shidaal sahminta dunida. Laakiin magaceeda lagama maqlo saxaafadda, mana ka muuqato suuqyada wararka la xiriira ganacsiga shidaalka, sababtuna waxay tahay iyadoo had iyo jeer ku shaqeysata qaab hoose oo is-qarin ah. Waxaan dhihi karaa qaabka ay u shaqeyso Schlumberger waxay la mid tahay qaabka hay’adaha sirdoonka u hawlgalaan. Waxay jeceshay inay ka hawlgasho waddamada colaadaha, musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ka jiraan. Waxaa lagu aas-aasay 1926 Faransiiska. Waxaana wada aas-aasay labo nin oo walaalo Faransiin ah: Conrad iyo Marcel Schlumberger. Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay waxay ku faaftay adduunyada. Maanta waxaa u shaqeeya 100,000 shaqaale ka badan oo ku kala sugan 140 waddan oo adduunka ka mid ah. Sannadkii 2016 ayaa daraasad qiimeyn dhaqaale oo ay sameysay Fortune Global ku tilmaantay shirkaddan Schlumberger shirkadda 287aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan. Waxaa lagu qiyaasay in sannadkii ay hesho faa’iido dhan $48 billion (afartan iyo siddeed bilyan doolar). Sidaan kor ku sheegay shirkadda Schlumberger waxay ka faa’ideysataa waddamada xaaladaha adag ku jira sida Libya, Iran iyo Sudan; iyo kuwa musuqa uu ku baahay sida Turkmenistan, Russia, Masar iyo Sacuudi Carabiya.