Masuul Iska Casilay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Sababta
February 5, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha hay’adda diiwaanka Sakada iyo samo-falka Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii, Madaxweyne Biixina uu ka aqbalay.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu Sheekh Siciid ku xaqiijiyay iscasilaadan, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Sheekh Siciid uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay dhawaan is casilaadda. Warku wuxuu sheegay in Sheekh Siciid is casilaadiisa ku sababeeyay arrimo u gaar ah oo uu uga maarmi waayay inuu u madaxbanaanado.