“Maxamuud Xaashi Ha La Weydiiyo Halkay Ku Baxday 80-ka Milyan Ee Deynta Ah ..” Ex Badhasaab Mustafe Shiine
February 6, 2019 - Written by admin
UK(Berberatoday.com)-Badhasaabkii hore ee Gobolada Awdal iyo Maroode Jeex Mustafe Cabdi Shiine ayaa sheegay in la waydiiyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi lacagta daynta ah ee Xukuumadda Mauuse Biixi sheegtay inay Qaranka ka maqantahay. Waxaanu yidhi.
“Marwo Samsam waa taa diyaarka u ah inay hortimaado cid walba oo su’aal uga baahanee Maxamuud Xaashi hala weydiiyo daynta la sheegay ee 80milyan ah.” Sidaa waxa yidhi Ex Badhasaab Mustafe Shiine