Daawo Muuqalka”Madaxweyne Muuse Biixi Oo Arimo Layaab Leh Ku Soo Arkay Saylada Xoolaha Hargeysa Iyo Mayar Kuxigeenka Caasimada Oo Madal La Buuxo Ku Khalkhalay
February 6, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.
Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.
Xubno kamid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha halkaas oo cabasho xoogan ay ka muujiyeen dadka saylada ka shaqeeya dawlada hoose ee Hargeysa