Xukumadda Oo Shakhsiyaad Gaar Ah Ku Wareejisay Dhismaha Carwadii Hargeysa
February 7, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay.
Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen.